Wasaaradda Duulista Hawada Puntland oo dib u dhigtey tartan loo galayo shaqooyin banaan

Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Garoomadda Diyaaradaha Puntland ayaa shaacisay in dib loo dhigay muddo kooban oo aan la sheegin shaqooyin imtixaan loo gali lahaa 10 bisha Febraayo 2018, kuwaas oo durba la sheegay inay soo codsadeen dad shaqo doon ah.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha waaxda Shaqaalaha Wasaaradda Duulista Hawadda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi ayaa lagu shaaciyay in dadkii soo gudbiyay codsiyadda shaqooyinka loo tartami lahaa saddex maalmood ka dib dib looga soo sheegayo mudada dib u dhaca.

Haddaba hoos ka akhriso nuqul ka mid ah qoraalka Wasaaradda oo soo gaarey Warbaahinta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST