Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxda Somaliland muxuu kala hadlay?

Safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya Amb. David Concar iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta magaalada Hargeysa kula kulmay madaxda ugu sareysa Somaliland.

Wafidiga uu hogaaminayay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya oo ay kamid ahaa yeen saraakiil Milateri ayaa sida ay PUNTLAND POST ku heshay warar hoose oo xog-ogaal ah kala hadlay madaxda Somaliland arimo ay kamid yihiin xaalada colaadeed ee ka taagan Gobolka Sool, iyagoo ugu baaqay in ay deegaanka Tukaraq kala baxaan ciidamooda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Somaliland oo xariir dhow la leh Ingiriiska dhowr jeer oo horena ay beesha caalamku cadaadis ku saartay in ay ciidamada kala baxaan Tukaraq ay ogalaatay arintaas.

Madaxdii uu la kulmay Safiirka Ingiriiska waxaa kamid ahaa Madaxweynaha Somaliland, ku xigeenkiisa, Wasiirada Arimaha Dibada, arimaha Gudaha, Gaanshaandhiga, Waxbarashada, qorsheynta, taliyaasha Milateriga iyo Booliska, Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo masuuliyiin kale.

Dhanka kale waxaa maanta kulan gaar ah wada qaatay Muuse Biixi iyo Guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe waxayna ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo ay ka mid tahay Colaada Tukarad, wuxuuna ahaa kulankii labaad oo ay Isbuucan wada qaataan.

Tan iyo 8-dii Janaayo oo ay Somaliland qabsatay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxaa halkaas kataagnaa xiisad colaadeed oo u dhaxaysa Puntland iyo Somaliand, waxayna dowladaha deriska iyo beesha caalamku Somaliland ugu baaqayeen in ay ciidamada la baxdo, si loo baajiyo dagaal dhaca.

Tukaraq ayaa hada waxaa is horfadhiaya Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland, waxaana xili walba halkaas laga filan karaa dagaal ka qarxa.

PUNTLAND POST