Madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa shalay Xarunta Villa Somalia kula kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi,sida ay qortay Wakaaladda Wararka Emirates News Agency.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka,si loo gaaro danaha wadaagga ah ee labada dal.
Intii kulankaasi socday madaxweynaha Soomaaliya Maxammed Cabdullaahi Maxammed(Farmaajo) ayaa Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay u fidiso Soomaaliya,isagoo ammaanay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.
Dhinaca kale Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa madaxweyne Farmaajo u mahadceliyey,wuxuuna ballanqaaday in dowladda Imaaraadku ay sii wadayso taageerada dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya.
PUNTLAND POST