Soomaali Gudoomiye ka noqday Maxkamadda Cadaaladda Aduunka

Cabdiqawi Axmed Yusuf

Qareenka caanka ah ee Soomaaliyeed Cabdiqawi Axmed Yusuf Cumar ayaa maanta loo doortay Gdoomiyaha Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland.

Cabdiqawi oo horey u ahaa Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadaas ayaa noqonaya ninkii labaad oo Afrikaan ah oo Gudoomiye ka noqna Maxkamada Hague oo la asaasay sanadkii 1946.

Cabdiqawi Axmed Yusuf waa 70 jir ku dhashay Degmo xeebeedka Qadiimiga ah ee EYL Gobolka Nugaal, wuxuuna bare sharci ka ahaa bari samaadkii Jaamacadii Umada ee Muqdisho.

Sidoo kale Cabdiqawi wuxuu la taliye dhanka sharciga ah u noqday hay’adaha Qaramada Midoobay qaarkood sida UNESCO, UNIDO iyo UNCTAD, ka hor intii uusan ku soo biirin Maxkamada sanadkii 2009.

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa soo badanayay Soomaali madax sar sare ka noqonaysa aduunka.

PUNTLAND POST