Safiirka Imaaraadka oo la kulmay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya,Mohammed Ahmed Othman Al Hammad ayaa la kulmay la-taliyaha cusub ee Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali,sida ay daabacday Wakaaladda Wararka ENA.

Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay xiriirka laba-geesoodka ah iyo habka xoojinta iyo horumarinta danaha labada dal,sida ku xusan qoraalka Wakaaladda.

danjire.Al Hammadi ayaa ugu hambalyeeyay la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya xilka cusub ee loo dhiibay,wuxuuna u rajeeyey in uu ku guulaysto waajibka loo igmaday.

Dhankiisa la-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya,Abdi Said Ali ayaa Imaaraadka uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee dhinacyada badan ee ay siiso Soomaaliya iyo sidoo kale kaalinta ay ku leedahay dhismaha ciidanka Xoogga dalka.

Xigasho:-Emirates News Agency

PUNTLAND POST