Faahfaahin weerarka koox hubaysan ku qaaden saldhiga dhexe Bosaso

Kooxo hubeysan ayaa caawa weerarey saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso , xiriiro kala duwan oo ay warbaahinta PUNTLAND POST la samaysay saraakiisha booliska waxay u sheegeen inay dhaawacmeen labo askari iyo taliye kuxigeenkii saldhiga oo qaba dhaawac cuslus.

Dableysan hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa saldhiga ku weerarey hub isugu jira qoryaha la yiraahdo BKM iyo Baasuukayaal sida ay sheegeen dad ka agdhawaa goobta.

Ma aha markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado mid ka mid ah saldhigyadda booliska magaalada Bosaso oo mudooyinkii u dambeeyay ka caaganeyd falalka amni daro.

Bosaso

PUNTLAND POST