Faahfaahin weerarka koox hubaysan ku qaaden saldhiga dhexe Bosaso

Kooxo hubeysan ayaa caawa weerarey saldhiga dhexe ee magaalada Bosaso , xiriiro kala duwan oo ay warbaahinta PUNTLAND POST la samaysay saraakiisha booliska waxay u sheegeen inay dhaawacmeen labo askari iyo taliye kuxigeenkii saldhiga oo qaba dhaawac cuslus.

Dableysan hubaysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa saldhiga ku weerarey hub isugu jira qoryaha la yiraahdo BKM iyo Baasuukayaal sida ay sheegeen dad ka agdhawaa goobta.

Ma aha markii ugu horeysay oo weerar lagu qaado mid ka mid ah saldhigyadda booliska magaalada Bosaso oo mudooyinkii u dambeeyay ka caaganeyd falalka amni daro.

Bosaso

PUNTLAND POST

4 comments on “Faahfaahin weerarka koox hubaysan ku qaaden saldhiga dhexe Bosaso”

  1. War wax Al Shabaabla dhahaa ma jiraan, waa dad idinla degan ee Xumaan wada, waa qaar maamula kale ka yimid kala yaacsanaata iska ilaaliya. dadkaan hadii aysan Gobolka u dhalan hala baaro meelaha ay ku soo degeen Hana la ciqaabo. meeshii furin bey noqotey.

  2. Niman qoryo culus wax ku weerarayaa la waayey wax la qaadan karo ma aha. Ma aqoon la’aan ayaa jirta see wax u jiraan. Ma aha markii koowaad ee waxani dhacaan. Nimankan alhabaab yaanan loo nixin oo kal cabsateey leeyihiin. Maxaa weeraradooda kordhiyey tan iyo intii jamhuuriyadan barakada ilaahay ka qaaday waa somalilandne ay tukaraq qabsatay, bal is weydii!

  3. Meesha habacsanaan ba’an baa ka muuqata …saldhigaas tiro dhoor jeer waa laweerarey ..maxaa idiin diidey in aad dejisaan qorshe aad kaga hortagtaan weeraradaan oo kale …mideeda kale magaalada malahan ciidamo sirdoon ah oo soo qabqabta dadkaan caadeestey fowdada .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *