Wararka ka imaanaya degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay ayaaa ku warramaya in halkaas uu xalay dagaal ku dhexmaray ciidamada koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday.
Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo garabsanaya ciidanka Ethiopia eek a tirsan AMISOM ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen dagaallamayasha Al-shabaab,waxaana halkaas ka dhashay khasaare kala duwan,inkastoo aan faahfaahin sii dheer laga hayn.
Dadka degaannada hoosyimaada degmada Qansax-dheere ayaa sheegay in dagaalka oo in muddo ah socday la isu adeegsaday hub aad u culus,kaasoo loo malaynayo in ay ridayeen ciidanka Ethiopia ee halkaas ku sugan.
Weli wax war ah kama soo bixin dhinacyada dagaallamay ee Al-shabaab iyo Koonfur Galbeed,lamina xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.
Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net