Maqaal: Siyaasadu ma u baahantahay Waayo-aragnimo Siyaasadeed?

Maxamuud Ciise Yuusuf

Qoraa ka faalooda arimaha Siyaasada iyo Bulshada, Barena ka ah Jaamacadda Bariga Africa-Faraca Qardho.

mciise01@gmail.com

Oraah English ah ayaa waxay leedahay Khibradu waxay ka fiican tahay Cilmiga (Experience is better than Knowledge). Somaaliduna waxay dhahdaa “Nin Gu kaa weyn garaadkaa Weyn.” Oraahyadaani waxay arar u yihiin maqaalkan aan kaga faaloonaayo ciwaanka kor ku xusan.

Ereyga ‘siyaasad’ ma aha Af  Soomaali, waa kelimad Af Carabi ah, macnaheeduna yahay Maamulid wanaagsan ama hagaajinta danaha raciyadda. Ma aha Khiyaamo, Sir, iyo Af-Miishaarnimo wax lagu hodo.

Siyaasaddu waa habka ama nidaamka ay dawladdu ku maamusho wadanka ay kataliso iyadoo isticmaalaysa habab kala duwan, Siyaasaddu waa waxa hagaaya nidaamka dawladdu u shaqayso ama waa habraaca fulinta shaqada Dawladda. Siyaasadda waxaa badanaa gacanta ku haya Madaxada Dawlada sida Xeer-Dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

Ka dib markii ay burburtay Dawladdii dhexe ee Somalia sanadkii 1991 wadanku dhankasta waa ka burburay sida Siyaasada, Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo kala damaynta Bulshada, taasina waxay keentay in qofku uu raadsho in uun uu noqdo wax uusan u qalmin, Aqoon iyo khibradna u lahayn, waxaana taasa ka dhalatay in siyaasadda wadanku noqoto jahwareer iyo fowdo.

Waxaa beryahan soo ifbaxday dhalinyaro u Ooman siyaadda, oo doonaya in ay ku biiraan Dawladda una shaqeeyaan dalkooda, dadkooda iyo diintooda. Dhalinyaradu waxay xaq u leedahay in ay ka qaybqaataan soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka kana shaqeeyaan sidii wadanku uga bixilaha deganaasha la’aanta qalalaasaha.

Dhalinyaradu waa hantida wadanka hadda iyo mustaqabalka, waana awood curin karta isbedel horseedna u noqon kara horumar iyo si-dhaamasho, Taariikhda gobonimodoonka Somaaliyeeed (SYL) Waxay inoo Dhigaysaa cashar lama ilaawaan ah oo inaka daadejin kara dooorka ay dhalinyaradu ka qaadan karto danaha umadda.

Haddaba, anigoo og muhiimadda iyo doorka dhalinyaradda ee ku Aadan xasilinta iyo ka qaybqaadashada siyaasada dalka, waxaan aamisanahay in dhalintu ay baalmartay doorkoodii ayna ku mashquuleen shaqooyin lagaga haboon yahay ama  aysan Khibarad iyo Waayo aragnimo u lahayn, taasina ay dhaawici karto horumarka iyo isbedelka dalka.

Sida aan oganhay qofku markii shaqo loo dhiibaayo waa in uu Aqoonta iyo Khibradda shaqadaas looga baahan yahay uu leeyahay, haddii kale shaqadaasi ma noqonayso mid u qabsoonta sidii la rabay ama loogu talagay.

Waxaad arkaysaa Qof dhalinyaro ah oo hada kasoo baxay Jaamacad oo aan weligiis kasoo shaqayn xafiis dawladeed haddana raba in uu noqdo Xildhibaan, Wasiir ama Garsoore maxkamadeed. Waxaad sidoo kale arkaysaa Qof dhalinyaro ah oo waxbartay, Muddo yarna ka shaqaynaanyey shirkadaha sida  gaarka ah  loo leeyahay ama haayadaha aan dawliga ahayn laakiin aan weligiis kasoo shaqayn xafiis dawladeed haddana doonaya in uu qabto xilalka siyaasadeed ee ugu magoolsan, Waxaana arintaan garabsiinaayo awood qaybsiga Siyaasadeed ee ku salaysan qabiilka taas oo aan xeerinayn  Aqoon iyo Waayo-aragnimo toona. Foororka siyaasadda ee ka jirta wadanka ayaa sabab u ah deganaansha  iyo horumar la’aanta wadanka ragaadisay muddada 30 sano ku dhow.

Madaxweyne Farjaamo mar u khudbaynaayey ardayda wax ka barata Jaamacaddaha magaalada Garoowe wuxu yiri “Waxaynu u shaqaynaynaa Fooror”. Waxaan aminsanahay in hadalka uu sheegay Madaxweynuhu  sax yahay, waxaanna aaminsanahay in Khibradu markasta tahay tan go’aamin karta masuuliyada qofka loo dhiibaayo.

Waxaad marar badan maqlaysaa dhalinyaro ku jidbaysan siyaasad, dhalinyaro leh waa wakhti dhalinta ee hanaloo baneeyo boosaska siyaasadda, haa waad tihiin laakiin ciyaara doorkiina ee haku taaminina wax aydin u qalmin, wax aydin aqoon iyo Khibrad u lahayn.

Marka guriga la dhisaayo waxaa laga bilaabaa hoos, sidaas si lamida wax kasta marka labilaabaayo waa in laga bilaabaa hoos, qofku waa in uu shaqada u maraa sidii jaranjaradii laakiin waa inuusan ka bilaabin meesha ugu saraysa. Qof aan weligii kasoo shaqayn xafiis dawladeed sidee unoqon karaa Xildhibaan, Wasiir ama Garsoore sare ee Maxkamadee? Imisa darajo ayuu qofkaani kasoo booday? Wuxuu la mid noqonaayaa qof Quraanka ka bilaabay Suuratul Al-Baqara. Miyuu baran karaa? Jawaabtu waa Maya.

Siyaasada Soomaaliya waxay isoo xasuusinaysaa kelmadii ahayd “Maba dhalane dhowrtaysan okidaa.” Waa oraah ka dhalatay gabar yar oo Soomaali ah oo lala baxay iyada oo aan weli gaarin da’a weyn, ka dib noqotay dhakafaar maadaama waagii hore dhaqanku ahaa in gabadhii wayneed oo joogta aan tan yar laguursan. Waxaan taas ka wadaa dhalintu iyagoo xitaa aan soo noqon Madax qaybeed ayey rabaan in ay qabtaan qaybta ugu saraysa Dawladda uguna muhiimsan taasoo ku keenaysa iyagana fashil Siyaasadeed wadankana burbur iyo dib u dhac. Maxaa u diiday inuu hoos ka bilaabo? Ka dibna tartiib usoo barbaaro, jaranjarada soo fuulo ka dibna gaaro fiinta ugu saraysa ee siyaasada-Alla Yaraa oo yeerweynaa.

TALO-SOOJEEDIN

Waxaan Dhalinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo nooc kasta oo ay yihiin u soo jeedin lahaa Talooyinkaan:

  • Dhalinyaro waxaad tihiin Mustaqbalka wadanka ee maanta iyo beriba waxaad tihiin cida wax ka bedeli karta horumarka wadanka.
  • Dhalinyaro waxaad markasta ku dadaashaan in aad horumarisaan mihnadiina shaqo (Careers) oo aad wax kasta ka bilowdaan hoos.
  • Dhalinyaro waa in aydin jidboon laakiin waxaad ku fekeraysaan uu yahay wax qalbigiina kasoo go’an ee aysan ku salaysnayn dareenkiina keliya.
  • Waa in aad markasta Ka shaqaysaab nabada dalka.
  • Waa in aad markasta Ka shaqaysaab Ilaalinta iyo xoojinta diinta islamka iyo dastuurka dalka iyo waliba fidin diinta Islamka.
  • Markastana sare u qaada khibradiina shaqo iyo aqoontiinaba.
  • Soo bandhiga fikrado cusub dhanka ganacsiga iyo siyaasadaba.
  • Soo dhowaynta nabada iyo xalinta khilaafadka Bulshada dhexdeeda ah.
  • Wacyi galinta dadka iyo ka shaqaynta nabada dalka.
  • Ka shaqaya Midaynta dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dawladaha ka jira Soomaaliya (Tan dhexe iyo Goboladaba) dhalin yarada waxaa idin ka saran masuuliyado badan oo ay ka mid yihiin kuwan:

  • Dowladu waxay masul ka tahay hubinta xalada dhalinta iyo ilaalinta xuquuqdooda.
  • Da jinta siyaasad lagu taageeraayo dhalin yarada.
  • Kor u qadista xaquuqda dhalin yarada.
  • Sare u qaadida wax barashada dhalin yarada.
  • Shaqaalaysiinta dhalin yarada.
  • Maal galinta dhalinyarada ( Malgalinta dhalintu waa magalinta mustaqbalka).

GABAGABO

Wada-shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed waxay horseedi kartaa horumarka dalka. Ilaalinta xaquuqda dhalinyarada iyo tayeynta dhalinyarada waxay muujinaysaa mustaqbalka iyo jiritaanka dalka. Isku xirka iyo caawinta dhalinyaradu waxay hagaajinaysaa hanka iyo qiyamka dhalinyarada, marka waa in Dawladu markasta ka warhayso Dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba silo hagaajiyo mustaqbalka dalka.

Qore: Maxamuud Ciise Yuusuf