Wararka ka imaanaya degaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal kooban ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo malayshiyo-beeleed.
Dagaaalka ayaa yimid kadib markii malayshiyaad hubaysan oo hab beeleed u abaabulan ay rasaas ku fureen ciidamada dowladda ee ku sugan Jasiira ,sida laga soo xigtay dadka degaanka.
Faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha dagaalkan ka dhashay,laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan 4 ruux ay ku dhaawcantay,kuwaasoo isugu jira labadii dhinac ee dagaallamay.
Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net