Shir wacyi-gelin iyo taba-bar ah oo ku saabsan sare u qaadidda aqoonta farsamayaqaannada ku shaqeeya qalabka qaboojiyaasha ayaa Maanta Garoowe ka furmay.
Shirka oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Soomaaliya u qaabilsan arrima Degaanka iyo Wasaaradda Degaanka Puntland ayaa socon doona muddo 4 maalmood ah,waxaana lagu faaqidi doona dhibaatooyinka ay Degaanka u geystaan gaseska ay ku shaqeeyan agabka qaboojiyasha.
Qeybaha dambe ee shirkan ayaa waxaa ku jiri doona taba-bar ku saabsan halista dadka iyo degaanka ay u leeyihiin gases-ka ay ku shaqeeyan qalabka qaboojiyaasha,iyadoo taba-barka ay bixin doonan khubaro ku xeel dheer gases-ka waxyeelleeya Degaanka.
Halkaan ka eeg sawirrada