Duqa Muqdisho oo amray in la joojiyo dhisme ka socda Degmada Xamar Jajab

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Benaadir, ahna Duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa wareegto uu soo saaray maanta si rasmiy ah ugu joojiyay dhismaha ka socda Dhulka Danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel-gaabta ee degmada Xamar jajab.

Guddoomiye Yariisow oo wareegtadani ay noqonayso tiigiis ugu horreysay ee uu soo saaro, ayaa hay’adaha ay khusayso ku War-geliyay joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faa’iideysto.

Maamulka Degmada Xamar jajab ayaa sidoo kale la faray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismaha ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey inay ka gutaan waajibaadkooda qaran, si loo ilaaliyo hantida danta guud.

Sidoo kale, Eng. Yariisoow ayaa tilmaamay in Tallaabadni ay ka tarjumeyso siyaasadiisa ku aaddan ilaalinta hantida danta guud, lagana daba tegi doono dhammaan dhulkii danta guud ee haatan ku jira gacanta shakhsiyaad ama looga faa’iidaysanayo dano gaar ah.

“Warqad aan ku joojinay dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro waxay ka mid tahay siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah,” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Wuxuuna intaas ku daray. “Dhammaan Dhulalka Danta guud ee ka maqan gacanta dawladda waan ku raadjoogi doonaa waana ka daba-tegaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa” Ayuu Raaciyey Guddoomiyuhu.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo Duqa Muqdisho oo xilka si rasmi ah ula wareegay shalay, ayaa tallaabadan u qaaday si uu u ilaaliyo hantida qaranka, iyadoo muhiimaddu tahay in laga waantoobo in si gaar ah looga faa’iidaysto dhulka danta guud.

PUNTLAND POST