Dab khasaare dhaliyey oo ka holcaaya bariga magaalada Garowe

Dab aad u xoogan ayaa qabsaday kaalin shidaal oo ku taal agagaarka isgoyska Bulsho ee magaalada Garowe, wuxuuna ku faafay qaybo kamida xaafadaha ku dhow kaalintaas shidaal.

Dabkan oo ah mid aad u xoogan ayaa laga arkayaa guud ahaan magaalada, waxaana hawada is qabsaday uuro madow iyo holac, waxayna warar soo baxaaya shegayaan inuu dabkaasi dhaliyey khasaare xoogan oo isugu jira dhaawac dad iyo mid hantiyeed.

Goobta uu dabku ka kacay waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo isku dayaaya inay la tacaalaan daminta dabkan xogan.

Magaalada Garowe oo ah caasimada Puntland ayaan lahayn dab-damis, mana ahan markii ugu horaysay oo dab dhaliyey hanti nafeed iyo mid dhaqaale uu magaalada ka kaco, waxaana muuqata inaysan Dawlada hoose ee Garowe ahayn mid weli ku baraarugtay khatarta uu dabku dhaliyo.

Kala socod faah-faahin dheeriya PUNTLAND POST