Ciidamada Dowladda oo Xirey Wadooyinka Magaaladda Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed iyo kuwa Booliska ayaa xirey qaar kamid ah wadooyinka Muhiimka ah ee magaaladda Muqdisho.

Ciidamadda ayaa gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan wadooyinkaas,waxaana kaliyah loo ogol yahay in ay isticmaalaan dadka lugta maala.

Wadooyinka xiran ee gaadiidka rayidka loo diidayo, ayaa waxaa ka mid ah Isgoysyada Sheekh Cali Suufi oo Baabuurta loo diidayo dhanka Maka Al-Mukarama inay u soo gudbaan, Isgoyska Bakaaraha, Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Afarta Darjiin illaa Isgoyska Sanca.

Lama oga sababta loo xiray wadooyinkaan iyo isbedelka amni ee ka jira Magaalada.

PUNTLAND POST