Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Yarey ayaa sheegtay in Baarlamaanka Soomaaliya 3 kursi ay ka banaanyihiin Islamarkaasina dhowaan ay dhaceeyso Doorashadooda.
Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in la xaliyay cabasho balaaran oo ka taagneeyd qabsoomida doorashada Sadaxdaasi kursi dhowaana la qaban doono.
Waxa ay sheegtay in ay ka dhacayaan Doorashada 3-daasi kursi magaalooyinka Cadaado, Kismaayo iyo Muqdisho.
Ma sheegin xiliga rasmiga ah ee la qabanayo hayeeshee waxa ay carabka ku dhufatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qaban doono.
Shalay waxaa magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada Kursi kamid ah kuraasta Baarlamaanka Soomaaliya.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho