Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddiga xallinta cabashooyinka Shaqaalaha

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku taariikhaysan 26-kii Janaayo 2018, ayaa lagu magacaabay Guddi isku dhaf ah oo kor kala socon doona Hay’aha kala duwan ee Dowladda dhanka shaqo qorista, kuwaas oo shaqdoodu noqonayso xallinta cabashooyinka dhanka shaqaalaysiinta shaqaalaha.

Guddigan oo ka kooban Shan xubnood ayaa leh Gudoomiye iyo Guddoomiye waxaa ka dhexmuuqda Agaasimaha guud ee Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuq maasuqa, Gudoomiyaha Hanti dhowrka guud iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adaha Dowladda.

U Jeedada loo magacaabay Guddigan ayaa noqonaysa in laga hortago wixii musuqmmaasuq iyo Nin jeclaysi ah, waxayna xoojinaysaa qorshaha Puntland ee isla xisaabtanka, adeeg hunfanaanta, daahfurnaanta iyo kasbashada kalsoonida dadweynaha.

Dowladda Puntland ayaa ku howlan soo saarista shaqaale tayo leh oo ku yimaada Karti, Aqoon iyo ku habboonaanshaha shaqada ay qabanayaan.

Hoos ka akhriso Wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland

PUNTLAND POST