Dr Galeyr oo gaarey Mareykanka ka dib katagistii Hargeysa

Siyaasi Cali Khaliif Galeyr oo labo maalmood ka hor si deg deg ah uga dhoofay magaalada Hargeysa ayaa caawa gaarey dalka Mareykanka, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Jaaliyadda oo sita calanka dalka Soomaaliya.

Si rasmiya looma oga ujeedada uu ku qotomo socdaalka sanado badan ka dib Cali Khaliif ku tagayo dalka Mareykanka oo dhalasho iyo deganaansho uu ka haysto, Wallow safarkiisu kusoo beegmayo xilli xiisad colaadeed oo adag ay ka dhex bilaamatey labada maamul ee dariska Puntland iyo Somaliland oo mudooyinkii dambe Dr Galeyr wada hadal aan wali heshiis laga gaarin la bilowday.

Ka hor intii uusan dalka ka dhoofin Mudane Galeyr todobaadkii horre wuxuu socdaal dhulka ku marey deegaano ka tirsan Gobolka Sool iyo Magaalada Laascaanood oo uusan muddo dheer cag soo dhigin, mana jirin natiijo oo la shaaciyay oo kasoo baxday kulamo siyaasadeed oo dhexmarey bulshada deegaanka maalmo ka dib markii Somaliland duulaan ku qabsatey magaalada Tuko raq oo uu horey uga talin jirey maamulka Puntland.

Riix,Akhriso Warbixintii horre ee Warbaahinta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST