Shil dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Gobalka Sool

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya shil Gaari oo khasaare nafeed geystay oo saakay ka dhacay deegaano hoos yimaada gobalka sool.

Shilkan ayaa ka dhacay Tuulada Samakaab ee Gobalka Sool, kaasi oo sababay dhimashada ila iyo sadax ruux oo laba kamid ah ay ahaayeen isku qoys ama hal qoys.

Gaarigan shilka galay  ayaa la sheegay inuu kayimid magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasi oo shil ku galay Tuulada Samakaab ee gobalka Sool.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gobalka Sool u sheegay inuu shilkaasi geystay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac intaba, dadkii ku dhaawacmayna loola cararay isbitaalka weyn ee Laascaanood.

PUNTLAND POST