Ciidanka difaaca Puntland ee PSF oo hawlgal ku tegay tuulooyinka karin iyo Yalho ee gobolka Bari+Sawirro.

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ee(PSF) ayaa maanta hawlgalka ku tegay tuulooyinka Karin iyo Yalho ee gobolka Bari iyo dhulka Buuraleeyda ah ee hoostaga tuulooyinkaasi.

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee(PSF) ayaa kulan amniga la xiriira la yeeshay odayaasha,waxgaradka iyo ciidamada dowladda ee ku sugan tuulooyinka Karin iyo Yalho.

tuulooyinka Karin iyo Yalho oo qiyaastii 45KM Koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari,ayaa waxa saldhigyo ku leh ciidamada difaaca dowladda Puntland oo dagaalka kula jira argagixisada Al-shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysta Buuraleeyda Cal-madow iyo Cal-miskaat ee gobolka Bari.

Sawirro


PUNTLANDPOST