Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay qoraal deg deg ah oo ku socda dhammaan Warbaahinta ka hawlgasha degaannada Puntland iyo Tv-ga dowladda.
Qoraalka oo uu ku saxiixanyahay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta,Cabdirasaaq Cumar Ismaaciil(Shiikh Aduunyo),ayaa lagu wargeliyey dhammaan saxaafadda madaxa-bannaan iyo PuntlandTV in ay yimaadaan xarunta dhexe Wasaaradda Warfaafinta Isgaarsiinta Hiddaha iyo Dhaqanka dowladda Puntland,27/1/2018 oo ku beegan maalinta Sabtida.
Qoraalka laguma shaacin arrimaha Saxaafadda loogu yeeray,sidoo kale xiriir aan la sameynay Wasaaradda nooma suurta-gelin in aan faahfaahin dheeri ah ka helno.
Halkaan ka akhriso qoraaalka.