Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (xaaf) ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Galmudug ee ka dhashay khilaafkii Wadamada Khaliijka Carabta.
Xaaf ayaa sheegay in Emirate-ka Carabta uu u tagay In Dowladda dalkaas ay tababaro siiyo Ciidamadda Dowladd Goboleedka Galmudug si ay ula wareegaan amniga deegaanadda Maamulkaas.
“Khaliijka sidii aan u aaday iyo sidii loo fahmay baa kala jaad ahaa. Anigu waxaan u aaday nimankaa xooggaa anaga gobolkayaga waxba may tarin, sanadihii hore. Gobolada kale wixii ay tareen oo kale inay na taraan oo ciidamada noogu dhisaan xarumo iyo iskuulo inay nooga dhisaan degmooyinka.
Shaqo badan bay ka qabteaan gobolada kale, gaadiid bay siiyaan. Anagu marka waan qatanayn.”ayuu yiri Xaaf.
Madaxweynaha Galmudug, ayaa dhawaan Sheegay in Galmudug ay taageersan tahay isbahaysiga Sacuudiga.
Dowladda Somaliya, ayaa xilligaa sheegtay inay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya dhinacyadaasi, iyadoona ka hortimid inay xiriirka u jarto Dowladda Qatar.
Audio PlayerPUNTLAND POST