Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhameeyay khilaafaadkii u dhaxeeyay Galmudug iyo Odyaasha Cadaado.
Madaxweynaha oo gaaray Cadaado ayaa ku dhawaaqay in magaalada Cadaado ay fadhiisin u noqon doonto Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Xildhibaanada Federaalka doorashooda ay ka dhaceyso magaalada Cadaado.
Ugu dambeeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in inta sida rasmiga ah caasimada loogu rari doono Magaalada Dhuusamareeb uu maamulka Galmudug ku shaqeyn doono Cadaado.
Arintaasi ayaa meesha ka saartay khilaafkii u dhaxeeyay Odoyaasha Cadaado iyo maamulka Galmudug, kaasi oo ay qaadaceen dhowaan shirkii ka dhacay Dhuusamareeb.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa goordhow gaaray Magaalada Hobyo halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post