Thaabid oo Aqbalay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweyne Farmaajo

Qoraal uu u qeeybiyay Warbaahinta Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed ayuu ku aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay.

Gudoomiye Thaabid ayaa faah faahiyay sababaha keenay qilaafkii sababay in xilka looga qaado ee dhexmaray isaga iyo madaxda sare ee dalka.

Gudoomiye Thaabid ayaa codsaday in ciidamada laga kor qaado Xarunta Dowlada Hoose si uu xilka u wareejiyo.

ugu dambeeyntii shacabka Muqdisho ayuu ugu baaqay in ay ilaaliyaan amaanka oo ay meel iska dhigaan wax kasta oo dhibaato keeni karaan islamarkaasina la la shaqeeyo dowlada.

Hoos ka Aqriso Qoraalka uu soo saaray Thaabid.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho