Hay’adda TAG FOUNDATION oo Garoowe ku qabatay Kulan ku saabsan Xuquuqda dhinaca Siyaadda dalka.

Xarunta PDRC ee magaalada Garoowe ayaa Maanta lagu qabtay kulan wada-tashi ah oo ay yeesheen Haweenka,Ururada Bulshada,Hay’daha Xoojinta Sharciga iyo Wasaaradaha Haweenka iyo Dastuurka ee Puntland,waxaana looga tashanayey sidii qodobada muhiimka ah u ah xuquuqda Haweenka loogu dari lahaa Dastuurka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’adaha TAG FOUNDATION oo u qareenta Xuquuqda Haweenka,gaar ahaanna dhinaca Siyaasadda,waxaana gacan ka siisay Hay’adda UNDP.

Guddoomiyaha TAG FOUNDATION  ,Marwo.Caasho Geelle Diiriye oo ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in Hay’addaan Tag ay ka hawlgasho degaanno badan oo ku yaalla Dowlad Goboleedyada;Puntland Jubaland,iyo Galmudug,islamarkaana ay u qareento xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed,gaar ahaanna ka qeyb qaadashada siyaasadda dalka.

Marwo.Caasho ayaa sidoo kale Haweenka u soo jeedisay in aysan ku ekaan xilalka hoose oo keliyah,balse u tartamaan xilalka sare ee waddanka.

Dhinaca kale madaxa u qareemidda Xuquuqda Haweenka ee SWDC,Marwo.Maryan Taqal Xuseen ayaa sheegtay in Dastuurka Soomaaliya aysan ku caddeyn Xaquuqda ay Haweenka lee yihiin,sidaasi darteedna loo baahanyahay in helo qodobadaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Dastuurka Puntland,Mudane.cabdiraxmaan Cali Cismaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Puntland ee haatan xilka haysa ay Haweenka muhiimad gaar ah siisay,islamarkaana jagooyin sare ka hayaan.

Halkaan ka eeg sawirro.

PUNTLANDPOST