Shil Qasaare Geeystay oo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee maanta ka dhacay Shil qasaare badan geeystay..

Shilkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Haanta Dheer degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii Mooto Bajaaj si xoowli ah u socotay iyo gaari nooca xamuulka qaado ah ay isku dhaceen.

ilaa 3 ruux uu ku jiro wadihii Mooto Bajaajta ayaa ku dhintay shilkaasi halka tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen.

Muqdisho waxaa ku badan Shilalka Ay Sababaan Mooto Bajaajta sida xoowliga ah ugu socdo Muqdisho.

Hoos ka Daawo Sawiro Qaar 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland post Muqdisho