Khilaafka u Dhaxeeyo Kheyre iyo Thaabid oo Cirka isku Shareeray

Warar ay heshay Puntland Post Ayaa waxa ay sheegayaan in cirka isku Sii shareeray qilaafka siyaasadeed oo u dhaxeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Ra’isilwasaaha Soomaaliya.

qilaafka oo u wal ku biloowday Maqaamka Muqdisho ayaa hadda u muuqdo in uu meel sare gaaray.

Maanta Muqdisho Ciidamada amaanka  Ayaa xiray wadooyinka Muqdisho si looga baaqsado Banaanbax lagu taageerayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabid.

Ciidamada ayaa jirdilo u geeystay qaar kamid ah Shacab isugu soo baxay Muqdisho oo muujinayay taageero ay u hayaan Gudoomiye Thaabid.

Xiisada ayaa waxaa baasiin ku sii shiday kadib markii Gudoomiyaha Gobolka uu xalay ka qeeybgalay Munaasabad odoyaasha dhaqanka iyo Xildhibaano ay ku diidayeen amar uu soo saaray Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Thaabid ayaa cadaadis balaaran sidoo kale kala kulmaya Xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isilwasaare Kheyre.

Gud.Thaabid oo ah Nin Dhalinyaro ah oo ku guuleeystay howlo badan ayaa kasbaday taageerayaal badan oo ay ku jiraan siyaasiinta dowlada ka soo horjeedo.

Sidoo kale Muqdisho waxaa ka socdo Shirar gooni gooni ah oo lagu taageerayo Gudoomiye Thaabid.

Warar ay heshay Puntland Post ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo oo safar ku maraya Gal-Mudug oo soo hadlay uu sheegay in isaga laga war sugo inta uu ka imaanayo Muqdisho.

Xil ka qaadis lagu sameeyo Gudoomiye Thaabid ayaa waxaa ay noqoneeysaa caqabad u sii siyaada Dowlada Madaxweyne Faarmo.

W/Q: Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho