Kulankan oo ay iska kaashadeen Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka (GMDQ), Gudiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland (TPEC) iyo dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA) ayaa looga hadlayey habka ugu wagaansan ee doorasho qof iyo cod uga dhici karto dalka Soomaaliya,waxaana loo qabtay dhalinyarada.
Ugu horrayn waxaa kulanka ahmiyaddiisa sharraxay guddoomiyaha dalladda ururrada aan dowliga ahayn ee Puntland (PUNSAA), Faysal Axmed Warsame,isagoo dhalinyada ku boorriyay in ay taladooda ku biiriyaan ra’yi uruurinta ku aaddan habka ugu wagaansan ee doorasho qof iyo cod uga dhici karo dalka Soomaaliya 2020.
Guddoomiyaha dalladda dhalinyarada Puntland,Aweys Axmed Sardheeye ayaa dhinaciisa sheegay in ka dhalinyaro aahan ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod oo Soomaaliya ka dhacda,wuxuuna guddiga u soo jeediyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan qabsoomidda doorashada.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka (GMDQ),Sayid Cali SH. Maxamuud oo kulanka soo xiray ayaa ka sheekeeyay shaqada loo igmaday guddiga iyo hawlaha baaxadda leh ee horyaalla si loo gaaro doorasho qof iyo cod,isagoo dhinaca kale sheegay in guddi ahaan laga sugayo in ay diyaariyaan qorshe dhammaystiran oo sahlaya in shaqadaasi miro-dhasho.
PUNTLAND POST