Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhaweeyay Degmada Guriceel

Guriceel (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/laahi Maxamed [Farmaajo] iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxa Xukuumadda Galmudug Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiirro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Somalia iyo xubno kale.

Degmada Guri-ceel waxaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Maamulka degmada, qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan wax-garadka iyo dhallinyarada, saraakiil ciidan iyo mas;uuliyiin kale.

Sidoo kale, Shacabka Guri-ceel ayaa Madaxweynaha uga hortagay duleedka degmada iyagoo watay calanka Somalia iyo Sawirka Madaxweynaha, iyagoo ku dhawaaqayay Madaxweyne kusoo dhawoow magaaladaada.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweyntiisa kaddib wuxuu shacabka magaaladaas uga mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo xusay inuu kulamo la qaadan doono shacabka degmadaas.

Dhanka kale, Amiga Guri-ceel ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska-kaashanaya ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo ciidamada AMISOM, iyagoo hawlgallo ka sameeyeen gudah degmada, iyagoo kusoo qabqabteen xubno hub ku dhex-haystay magaalada ka hor inta uusan Madaxweynaha gaarin.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Somalia ayaa safarka uu ku marayo qaybo ka mid ah dalka waxaa la filayaa inuu kusoo gaba-gabeeyo degmada Caabud-waa ee Gobolka Galgaduud.

PUNTLAND POST