Madaxweyne Farmaajo oo hakiyay bixinta Dhulalka Dowladda ee ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay inuu ka walaacsan yahay jiritaanka warar sheegaya ku xadgudub dhulalka danta guud ee Magaalada Muqdisho.

Farmaajo ayaa wareegtadiisa ku yiri. “Sida uu tilmaamayo Qodobka 43-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Somalia- Dhulku waa khayraadka koowaad iyo saldhigga nolosha dadka. Illaa inta laga soo saarayo hab-raacyada sharci ee waafaqsan Qodobka 43-aad ee Dastuurka, dhulka dowladda lama hibeyn karo, bixin karo, lamana wareejin karo.”

“Iyadoo la ilaalinayo hantida qaranka ee dhul, cir iyo bad waxaan u sheegayaa shacabka Soomaaliyeed in wixii dhul ah ee la iibiyay ama la hibeeyay ama la kireeyay keddib 8-dii Febraayo, 2017 uusan haysan ogolaansho sharci ah. Haddii uu jiro muwaadiniin iibsaday ama kireystay dhul danta guud, waxaan u sheegayaa in iibsigaas uu yahay mid sharci darro ah,” ayuu Madaxweynuhu ku yiri wareegtadiisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Markii la I doortay, waxaan ballan-qaaday inaan ilaalinayo ammaanada la ii dhiibay, dhulka dowladdana wuxuu kamid yahay ammaanadaas. Waxaan u xaqiijinayaa shacabka Soomaaliyeed in guddi heer qaran ah aan u saari doono arrimaha la xiriira dhulka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo, loona hubiyo inaan dhul dan guud loo adeegsan dan shakhsiyadeed.”

Ugu dambeyn, Madaxweynuhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso arrintan inaan la bixin karin dhul dowladeed oo aan kusoo bixin wareegto Madaxweyne, lana soo marin habraac waafaqsan shuruucda u yaalla dalka.

PUNTLAND POST