Ciidammo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi oo Weerar ka fuiyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Jowhar (PP) ─ Ciidamo isugu jira Mareykan iyo Somalia ayaa xalay hawl-gal qorsheysan ka fuliyay tuulada Jameeco Jiliyaale oo qiyaastii 50-km u jirta magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidankan oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxaa cirka ka taageerayay diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah, waxayna beegsanayeen madaraso ay Al-shabaab wax ku barayeen carruur yar-yar.

Goob-joogayaal ku sugan tuulada ayaa sheegaya in hawl-galkan lagu dilay shan qof oo uu ku jiro madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa madarsadan wax lagu barayay carruurta.

Sidoo kae, Ciidanka hawl-galka fuliyay ayaa horay u kexeystay caruurtii wax lagu barayay dugsigaas, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaankaas ku nool.

Dhanka kale, Xaaladda deegaanka Jameeco-jiliyaale ayaa maanta daganayd, waxaana la sheegayaa in ciidamadii hawl-galka fuliyay ay deegaankaas isaga baxeen, kaddib markii ay qorshahood fuliyeen.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa qayb ka ah hawl-gallo gaar ah oo ay xiliyadii u dambeeyay la beegsanayeen xoogagga Al-shabaab ee ku sugan qaybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.

PUNTLAND POST