Qaraxyo Lagu Weeraray Ciidamo Iskugu Jiro Mareykan Kenyaati iyo Soomaali

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxyo qasaare geystay oo lala eegty oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

Qaraxyadan ayaa la sheegay iney gaarayaan  ilaa iyo labo qarax kuwaa oo lala eegtay kolonyo ciidamo huwan ah oo isugu jiray Mareykan, Kenya iyo kuwa Jubaland, oo marayay deegaanka Buula Guduud oo qiysaastii 30 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose.

Sarakiisha ciidamada ee Gobalka Jubada Hoose oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay inuu jiro weerar loo adeegsaday qaraxyo in lagu qaaday ciidamada Jubaland iyo kuwa kenya iyo Ciidamo Cadaan ah oo kasoo baxay Magaalada kismaayo kuna sii jeeday deegaanka Buula-gaduud, kuwaa oo sahay Millitari u waday ciidamo kale oo saldhig ku lahaa deegaanka Buula-gaduud ee Gobolka Jubada hoose.

Wali lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi ee loo adeegsaday miinoyinka dhulka lagu aaso.

Wararkii ugu danbeeyay ee ku aadan weerarka lagu qaaday kolanyada huwanta aheyd ayaa lagu soo waramayaa iney usuura gali weysay iney horey usii socdaan oo ay dib ugu laabteen kismaayo oo aheyd halkii markii hore ay kasoo baxeen oo ay doonayeen iney sahay militari gaarsiiyaan d- Buula-gaduud.

PUNTLAND POST