Kumaandooska Soomaaliya iyo Kuwa Maraykanka oo Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ayaa Al-shabaab ka saaray degaanka Baar Sanguuri oo qiyaastii u jirta 45 km magaalada kismaayo  ee Xarunta gobolka jubbada hoose,sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka SONNA.

Hawlgalka Al-shabaab looga saaray degaanka Baar Sanguuri ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo afar kamid ah saraakiil yihiin,waxaana lagu soo qabtay gaadiid dagaal,sida ay qortay Wakaaladda SONNA.

Dhinaca kale taliyaha ciidanka xoogga dalka  qeybta 43aad General. Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa xaqiijiyay in diyaaradaha Maraykanka ay ka qeyb qaateen hawlgalkaan .

Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net