Barnaamij loogu magacdaray Suuq oo lagu soo bandhigay Bosaso

BOSASO[Puntland Post] Munasabad lagu daah- furayey barnaamij cusub oo loogu magacdaray Suuq is lamarka aad qab Online wax ugu iibsan karto ayaa lagu qabtay magaaladda Bosaso ee xarunta gobalka Bari.

Barnaamijka Suuq ayaa waxa soo bandhigayay shirkada SOMALI Developres waana mid ku cusub deegaanada Puntland.

Daah-furka adeega Suuq ayaa waxa ka qeybgalay Wasiir ku-xigeenka wasaradda Amniga ee DFS, wasiir u dawlaha wasaradda warfaafinta Puntland, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Cabdixakiin Yuusuf Muuse oo ugu horayn ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay soo wadaan barnaamijyo cusub oo kale islamarkaana bulshada u faa’idaynayaan.

Wasiir-ku xigeenka Wasaradda Amniga ee Soomaliya ayaa shirkada ku dhiirigaliyey in ay dadaalka ay sii wadaan.

Wasiir u-dawlaha Wasarada Warfaafinta Puntland Cabdifatax Nuur Ashkar ayaa si rasmi ah u daah-furay shirkad SOMALI Developres iyo adeega cusub ee Suuq.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST-BOSASO