Daawo:Baarlamanka Puntland oo guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool

Baarlamanka dowladda Puntland oo Maanta kulanka ku yeeshay Xaruntooda magaalada Garoowe ayaa si buuxda u taageeeray go’aankii Xumuudda Puntland ay ka qaadatay  duullaankii Somaliland ku qabsatay degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Sidoo kale Baarlamanka ayaa guddi gaar ah u saaray Xoraynta gobolka Sool,waxaana dhammaan shacab weynaha Puntland lagu wargeliyay in ay ka qayb qaataan dagaalka lagu soo celinayo degaannada ay Somaliland kaga sugantahay Xuduudaha Puntland.

Baarlamanka ayaa Umadda Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ogaysiiyay in Somaliland ay mas’uul ka tahay wixii dhibaato iyo cawaaqib xumo ka dhalata,haddii dagaal ka dhaco gobolka Sool.

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi.

PUNTLAND POST