Hoggaamiye ka tirsan Mucaaradka Dowladda Itoobiya oo laga sii daayay Xabsi

Addis Ababa (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa maanta xabsiga kasii daysay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas, Merera Gudina oo muddo ka badan hal sano ku jiray xabsi ku yaalla Addis Ababa.

Saraakiisha xabsiga uu ku xirnaa hoggaamiyahan ayaa sheegay in Gudina la sii dayay maanta oo Arbaco ah, isla markaana loo ogolaaday inuu hoygiisii dib ugu laabto. Isagoo ahaa hoggaamiyihii kooxda mucaaradka ah ee qowmiyadda Oromada oo muddo dalbanayay in xabsiga laga sii daayo.

Merera Gudina, ayaa arrimo siyaasadeed u xirnaa illaa bishii December 2016-kii, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo kala duwan oo ay ka mid yihiin in uu xiriir la lahaa kooxo argagaxiso ah.

Dowladda Itoobiya ayaa Isniintii lasoo dhaafay sheegtay inay xabsiyada kasii daynayso in ka badan 500 oo ruux oo intooda badan ay u xirnaayeen arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale, Horraantii bishan ayay xukuumadda Addis Ababa sheegtay inay ka saarayso daaqadda dacwadaha loo haysto siyaasiyiinta xabsiga ku jira, taasoo ay ku macnaysay mid ay ku doonayso inay ku hagaajiso siyaasadeed ee dalkeeda.

Tallaabada lagu sii daayay hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka Itoobiya ayaa imaanaysa xilli muddo laba sano ka badan ay dalkaas ka soconayeen mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhan ah xukuumadda talada haysa.

Ugu dambeyn, Dowladda Itoobiya ayaa waxay inkiri jirtay inaysan jirin wax siyaasiyiin ah oo u xir-xiran; iyadoo hay’adaha xuquuqda aadanaha Dunida wararkooda ku tilmaami jirtay kuwo aan jirin oo la been abuuray.

PUNTLAND POST