Xubno ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu qabtay gobolka Baay.

Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay ee Koonfurta,ayaa hawlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab,sida ay soo werisay Warbaahinta Maxalliga ah ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga dalka qeybtooda gobolka Baay ay gacanta ku soo dhigeen 5 xubnood oo ak tirsan Al-shabaab iyo mootooyin ay wateen,kadib hawlgal kooban oo ay ka sameeyeen degaanka Manaas oo hoostaga magaalada baydhabo.

Mas’uuliyiinta gobolka Baay laga soo xigtay in dagaallamayaashan ay qorshaynayeen qaraxyo lagu dhibateeyo shacabka degaannada gobolka Baay,gaar ahaanna magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaan,balse Al-shabaab ayaa ku xooggan degaannada ka tirsan gobolka Baay ee hoosyimaada magaalada Baydhabo,waxaana marar badan ay weerarro ku qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka.

PUNTLAND POST