Rag hubaysan ayaa Xalay Xaafadda Saalama ee magaalada Gaalkacyo ku dhaawacay Sarkaal ka tirsan waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo.
Sarkaalka la dhaawacay oo lagu magacaabo Muuse Afriix ayaa qaabilsanaa uruurinta Canshuurta laga qaado Xaafadaha magaalada Gaalkacyo,waxaana fiidnmadii Xalay lagu weeraray halka lagu magacaabo Falluuja oo ka tirsan Xaafadda Saalama ee magaalada Gaalkacyo,sida PUNTLAND POST u xaqiijiyey mas’uul ka tirsan Waaxda Canshuuraha.
Dhaawaca Sarkaalkaan ayaa haatan lagu dabiibaya Isbitaalka Maxammed Jaamac ee magaalada Gaalkacyo,iyadoo aanay jirin weli cid loo qabtay iyo cid sheegatay midna.
Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net