Madaxweyne Gaas oo si balaaran loogu soo dhoweeyay Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si weyn loogu soo Dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Madaxweyne Gaas ayaa waxaa Dhuusamareeb si wadajir ah ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumada Galmudug Sh. Shaakir.

Sidoo kale dadweyne farabadan ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga Madaxweyne Gaas gudaha magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Gaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aanu Marti ka aheyn magaalada Dhuusamareeb isaga oo sheegay in ay tahay magaaladii uu ku dhashay kuna bar baaray uu wax ku bartay.

Madaxweyne Gaas ayaa ka qeeybgali doono munaasabada Dhameeytirka heshiiska Gal-Mudug iyo Ahlusunno.

Dhanka kale waxaa magaalada Dhuusamareeb gaaray Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo si aad ah loogu soo Dhoweeyay.

Hoos ka Daawo Sawirada

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post