Madaxweyne Gaas oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.

Madaxweyne Gaas ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galudug, waxaanaGaroonka diyaaradaha ku soo dhaweyaya Sh. Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxa Xukuumada Galmudug

Madaxweyne Gaas ayaa ka qeyb gali doono kulanka lagu dhameeystirayo heshiiska Ahlusunno iyo Galmudug oo Dhuusamareeb ka dhacaya.

Sidoo kale waxaa magaaladaasi gaaray Madaxweynaha Hir Shabelle iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Waxaana xusid mudan in Shirka Duusamareeb uu ka baaqday madaxweynaha Jubbaland Axmed madoobe.

Faah faahin Dhameeystiran Dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post