Kulamo looga hadlayey jihaynta qorsheyaasha Puntland oo Garoowe lagu qabtay

Kulamo kala duwan oo soconayey muddo hal 7aad ah loogana hadlayey hagidda ama jihaynta (Strategic Plans) hay’adaha kala duwan ee dawladda Puntland  ee afarta sano ee soo socota ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda qorshaynta ee Dawladda Puntland iyo xaruumaha Hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca Tayaynta Hay’adaha Dawladda.

Nuxurka kulamadan  ayaa ahaa sidii ay hay’ad waliba u samaynsan lahayd qorshe hagaya ama jihaynaya sannadaha soo socoda (Strategic Plan) iyadoo laga duulayo qorshaha guud ee u degsan Dawladda Puntland ( Puntland Development Plan- PDP)  iyo kan guud ee qaranka ( National Development Plan-NDP)  ee isugu jira qorshe sannadeed iyo midka shanta sanno ee ay hore u ansixiyeen Golaha fulinta ee Dawladda.

Kulamadaan oo maanta lasoo afmeeray ayaa waxaa maanta loo qabtay Madaxtooyada, Bangiga Dawladda iyo Mac-hadka tababarka shaqaalaha dawladda iyadoona si qoto dheer loo dersey habkii loo samayn lahaa ama loo dejin lahaa Hay’ad walba qorshe iyada u gaar ah oo gun-dhiggeedu yahay qorshaha guud ee Dawladda.

Khuburo caalami ah ayaa kulamaada daadihinayey, kuwaas oo shaqaalaha dawladda ku tababareyey dejinta iyo jihaynta qorsheyaasha si looga maarmo mar dambe in aan bannaanka laga soo kaxaysan tababareyaal ee ay dawladdu u noqoto mid iyadu dhinac walba isaga filan.