Xaflad soo Dhaweyn oo loo qabtay dhagax-dhigga wadada Kalabayr-Caluula

Bosaso-[Puntland Post]-Munasabadaan oo si weyn loo soo Agaasimay ayaa waxaa loo qabtay dhagax dhigga waddada isku xirta kalabayr iyo Caluula oo dhawaan ay si wada jir ah u dhagax dhigeen  Madaxweynaha Soomaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Puntland Dr,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Xalafadda oo ka dhacday Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobalka Bari, waxa ka qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan DFS ,Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta iyo hidaha iyo Dhaqanka Punland, Maamulka gobalka Bari, Siyasiyiin, Isimo Nabadoono, waxgardka dagmooyinka ay wadadu marto iyo marti sharaf kale oo munasabada lagu casumay.

Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari Axmed Cali Cabdullaahi Cirro oo ugu horan ka hadlay munsabadda waxa uu sheegay muhiimadda uu leeyahay isku-tashigu waxaana bulshada reer Puntland uu ka codsaday in ay si wada jir ah uga qeyb qaatan dhismaha wadada isku xirta Kalabayr-Caluula.

Wasiirka Warfaafinta isgaarsiinta iyo hidaha iyo Dhaqanka ee Punland Cabdi xirsi Qarjab ayaa amaany dadka gacanta ku haya dhismaha wadada waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in meel looga wada soo jeesto dhamastirka wadada.

Cumar ismaaciil Waabar oo ka tirsan xildhibanad barlamaanka Soomaliya oo hadal ka jeediyey munasabada lagu soo dhaweynayey dhagax dhiga wadad isku xirta Kalabayr-Caluula aya wax uu yiri:

Isku tashigu waa wax muhiim ah dalkuna uu ku hormaro waxa loo baahan yahay in aan wadadan loo kala harin”
‘’Anagu hadii anu nahay Xildhibanada DFS waxanu dadaal u galaynaa in aanu dawlada dhexe ka soo dhicino wixii gobaladani ay xaqa u lahayeen si buu yiri loogu kaabo dhismaha wadada kalabayr iyo Caluula ‘’sidaas waxa sheegaya Xildhibaan Cumar ismaaciil Waabari.

Inta ay munasabadu socotay ayaa waxa goobta ka hadlaya Isimo Nabadoono ,iyo Siyaasi Cali Cabdi Awaare waxana dhamaantood ay sheegeen in meel looga wada soo jeesto bilawga iyo dhameystirka wadada kalabayr-Caluula iyagoona sida oo kale masuuliyiinta qaar halkaasi kaga dhawaaqay deeqo ay ugu tala galeen dhismaha wadada.

Wasiir ku-xigeenka amniga ee dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa sheegay inay tani farriin u tahay sidii dawladda dhex kaalinteeda uga qadan lahayd dhismaha wadada kalabayr-Caluula:

“Wadadaan way naga go’antahay in aanu xildhiban ahaana ka qeyb qaadano meel walabana aan ka sheegno cidkasa oo aan la fariisanana gaar siino in wadadan ay shacabka deegaanadasi ay aad ugu baahan yihiin
Waxana muujinaynaa doorka nagaga aadan wadadan oo mihiim u ah bulshada reere Punland.’’

Ugu danben munasabaad ayaa waxa  halkaasi shaado sharaf lagu gudoonsiyey aas-asaha mashruuca wadad kalabayr iyo Caluula Cumar Cismaan Siciid oo dadaal dheeri ah ku bixiyay dhagax dhigga wadaadaas.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post- Bosaso