Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Galinkii Dambe ee Galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gal-Mudug.
Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa si weeyn loogu soo dhoweeyay Magaaladaasi Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
Madaxweynaah Soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehliya Madaxweynaah Galmudug, wasiiro,xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.
Wafdiga ayaa waxaa dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Waxaana ku Madaxa Xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo mas’uuliyiin kale oo kusugnaa magaaladaasi.
Amaanka magaalada Dhuuso Mareeb ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo amniga ay sugayaan ciidamo aad u farabadan.
Caawa ayaa waxaa magaalada Dhuusamareeb waxaa ka socoto Xaflad ay si rasmi ah ugu midoobayaa Gal-Mudug iyo Ahlusunno.
Hoos ka Daawo Muuqaalka
Xigasho Muuqaalka SNTV
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho