Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaalo ku maraya Gal-Mudug ayaa maanta tagaya Magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qaban qaabo lagu soo dhoweeynayo waxaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.
Socdaalka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Xaaf oo markii ugu horeeysay tagaya Dhuusamareeb tan iyo Markii loo doortay Madaxweynaha Gal-Mudug.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa ka dhacaya Xaflad balaaran oo ku saabsan Dhaqan Galintii heshiiskii maamulada Ahlusunno iyo Gal-Mudug.
Amaanka Guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana goob waliba lagu arkaa ciidamo feejigan.
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho