Wasiiro iyo Xildhibaan ka Tirsan DFS oo Booqday Wakaaladda xooga korntada Eneeyo

Bosaso[Puntland Post]-Wafdigii wasiirada iyo xildhibaanada baarlamaanka dowladda faderaalka
Soomaaliya ee dhowaan gaaray Puntland ayaa booqday wakaaladda xoogga
Korontada Umadda ee Eneeye Bosaso oo ka mid ah adeegyadada qaranka ee wali
shaqeynaya.

Wafdiga ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiir kuxigeenka amniga Cabdinaasir Siciid
Muuse, Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi, xildhibaan Maxamuud Axmed
Ciise (*Maas)
iyo masuuliyiin kale.*

*Agaasimaha Eneeye Bosaaso Eng Guuleed Abshir Muuse ayaa ugu horayntii
wafdiga ugu warbixiyay marxaladihii ay soo martay wakaaladda tan iyo
dhisameedii 1987dii.*

*Waxaa uu sheegay wakaaladda inay soo martay marxalado kale duwan burburkii
dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa uu xusay masuuliyiintii ay uga
tagtay dowladdii dhexe ee marxuum Maxamed Siyaad Barre inay wali gacanta ku
hayaan, halka kuwii dhigeeda ahaa ee laga hirgaliyay Koonfurta Soomaaliya
iyo waqooyiga dalka aysan shaqayn.*

*Eng. Guuleed ayaa sheegay dad badan inay ku dhaawacmeen badbaadintii
wakaaladda kuwaasi oo qaarkood geeriyooday iyo kuwa wali shaqeynaya,
waxaana uu xusay inka badan sadex boqol oo dhalinyaro ah inay shaqo abuur
ay u sameysay wakaaladda oo ay ka howlgalaan.*

*“Wakaalada waxaa ay bixisaa adeegyo koronto oo lacag la’aan sida
waddooyinka, saldhigyada amaanka, isbitaalka wayn ee Bosaso oo qiimo dhimis
wayn aan u samayno, goobaha cibaadada iyo waxbarashada” ayuu yiri
agaasimaha oo intaasi ku daray in dhaqaale aad u badan ay bulshada kusoo
celiso wakaaladda.*

*Xildhibaan Cumar Ismaaciil Waaberi oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya
ayaa uga mahadceliyay maamulka iyo shaqaalaha wakaaladda xoogga korontada
umadda ee Eneeye.*

*Waxaa uu sheegay inay tahay wax lagu farxo oo mudan in lagu daydo sodon
sano kahor hantii qaranka uu lahaa inay wali shaqaynayaan.*

*“Runtii waa wax lagu daydo badbaadidii hantida qaranka uu lahaa oo wali
shaqaynaya, waxaana si gaar ah uga mahadcelinaynaa Eng Abshir Muuse oo
waqti iyo dhaqaale uu isagu lahaa geliyay si’ay u hormarto” ayuu yiri
xildhibaanka.*

*“Qoyska Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa oo halkii qof la qiyaasaa inuu
biilo sideed ama sagaal, waana arrin farxad gooni ah xambaarsan inay maanta
Eneeye ka shaqeynayaan boqolaal ah” ayuu yiri xildhibaan Cumar Ismaaciil
Waaberi.*

Wasiir kuxigeenka amniga ee dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdinaasir
Siciid Muuse ayaa sheegay inay tani farriin u tahay badbaadinta hantida
qaranka uu leeyahay, mar walba oo la ilaaliyona maalmo loo baxsan karo.

Waxaa uu ku amaanay maamulka wakaaladda xoogga korontada ee Eneeye
masuuliyaddii ay iska saareen badbaadinta wakalaada iyo horumarinteeda,
waxaana fariin uu u diray dadwaynaha inay xil iska saaraan badbaada hantida
qaranka.

Eneeye ayaa ka mid ahayd mashaariic ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay
fulisay, iyadoo taageero ka helaysa dowladda Danemark, waxaana adeegyo
koronto ay ka bixisaa magaalooyinka Qardho iyo Bosaaso, kuwaasi oo ay ku
jireen lacag la’aan goobaha danta guud ah.

Booqashada wafdigan ayaa kusoo beegmaysa xilli madaxwaynaha Soomaaliya uu
dhowaan soo gaaray magaalada Bosaso uu doonayay inuu wakaaladda uu booqdo,
balse markii dambe uu waqtiga ka dhacay safar uu ugu baxayay gobolada kale
ee dalka, islamar ahaanataana uu masuuliyiintan usoo wakiishay inay
booqdaan wakaaladda.

Wakaalada Xooga Korntada ee Eeneeyo DHAMAAD

Cabdiqani Boos

Puntland Post- Bosaso