Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Thaabid Cabdi Maxamed Ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-Gaduud.

Qaban Qaabo lagu soo Dhoweeynayo Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa laga dareemayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Gal-Mudug.

Gudoomiye Thaabid ayaa ka qeeybgalaya Soo Dhoweeynta Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb iyo shirka Mideeynta Maamulka Gal-Mudug iyo Ahlusunno.

Sidoo kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku qul qulaya wafuud Xildhibaano iyo Siyaasiin isugu jirta oo ka qeeybgalaya munaasabadaha ka dhacaya Magaalada Dhuusamareeb.

Waa Markii ugu horeeysay uu gudoomiye Thaabid gaarayo Magaalada Dhuusamareeb tan iyo Markii xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Muqdisho loo magacaabay.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho