Daawo:Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliland oo ka walwalsan in Puntland Laascaanood qabsato.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somaliland oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa dowladda Puntland ugu baaqay in aysan gobolka soo weerarin,xilli uu socdo abaabul dagaal oo u dhexeeya Puntland iyo Somaliland.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Dhakool oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sidoo kale Isimada iyo Waxgaradka gobolka ka dalbaday in ay ka laabtaan dagaalkii ay iclaamiyeen ee ku aaddana in Somaliland laga saaro guud ahaanba gobolka Sool.

Mudane.Dhakool ayaa sheegay in magaalada Laascaanood ay nabadi ka jiro,balse Isimadii iyo Waxgaradkii u dhashay ay dagaal ugu yeerayaan,isagoo walaac ka muujiyay khatarta ka dhalan karta,haddii Puntland qabsato Laascaanood.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST