Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo Muqdisho ku geeriyooday

Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ku geeriyooday Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Maamulka Gal-Mudug.

Xildhibaankaan ayaa lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Cismaan Ciro.

Xildhibaanka ayaa baryihii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa xalay ku geeriyooday Xildhibaan C/kariin Maxamed Cusmaan (Ciro) oo kamid ahaa Xildhibaanada baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Xildhibaan Salaad Ceynte oo katirsan Baarlamaanka Gal-Mudug Ayaa Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay Geerida ku timid Xildhibaan Ciro.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho