Qarax Qasaare geystay oo Ciidamada Dowlada lagula eegtay Muqdisho

Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho ee caasimada Dalka Soomaaliya ka dhacay Qarax Qasaare geeystay oo la la eegtay Ciidamo katirsan kuwa Dowlada Soomaaliya.

Qaraxaan oo ahaa nooca Dhulka lagu aaso ayaa la la eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamada Dowlada oo marayay Nawaaxiga Haanta Dheer degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal halkaasi ku sugan ayaa u sheegay Warbaahinta PUNTLAND POST in qaraxaasi uu geeystay qasaare isugu jiro dhimasho dhaawac.

3 Askari oo katirsan Ciidamada dowlada ayaa qaraxaasi ku geeriyootay halka ku Dhowaad 5 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.

Qaraxaasi kadib waxaa xirmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaasi waxaana halkaasi gaaray ciidamada dowlada.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo isugu jir kuwa ismiidaamin ah iyo kuwa dhulka lagu aaso oo la la eegto Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho