Al-shabaab oo xukunno ku ridday qof shacab ah.

Ururka Al-shabaab ayaa xukun Karbaash ah ku riday mid kamid ah shacabka degmada Kurtunwaarrey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo lagu eedeeyay kufsi.

Maxkmadda Al-shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose,ayaa xukuntay in boqol jeedal lagu karbaasho ,islamarkaana degmada laga musaafuriyo,Cabdi Axmed Abuukar oo ku eedaysan in uu kufsi u geystay gabar ku dhaqan degmadaasi

Fagaaraha xukunka laga fuliyay ayaa waxaa daawanayey boqollaal shacab ah oo isaga yimid xaafadaha degmada Kunturwaarrey,kuwaasoo ay ku jiraan carruur aad u da’yar.

Al-shabaab ayaa sidoo kale eedaysanaha ku ganaaxday in uu bixiyo”qaalin geel oo xaal ah”,taasoo ku cusub xukunnada ay Al-shabaab riddo.

PUNTLAND POST