Madaxweyne Farmaajo oo ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku Wajahan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay Magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari kadib markii dhowr bari uu socdaalo badan dhanka dhulka ah uu ku marayay Puntland.

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa maanta ku wajahan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyada oo qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Wafdiga Madaxweynaha laga dareemayo Magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa la kulmi doono Madaxda Labada Dhinac ee Magaalada Gaalkacyo ee Puntland iyo Gal-Mudug isaga oo sida qorshuhu uu yahay Labo Habeen ku hoyan Doono Magaaladaasi.

Maalinta Isniinta ah ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu tagi doonaa Magaalada Cadaado halkaasi uu kula kulmi doono Madaxda Maamulka Gal-Mudug.

Waxaa sii socon doono safarada Madaxweynuhu uu ku tagayo Deegaanada Gal-Mudug Sida Dhuusamareeb Caabud Waaq iyo Guriceel.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post